Saturday, May 2, 2026
28.4 C
Mogadishu

Minneapolis: Gabar Soomaali oo la weysanaa oo meydkeeda laga helay wabiga Mississippi

Minneapolis (Halqaran.com) – Waxaa baadi-goob dheer kaddib, meydkeeda laga helay wabiga Mississippi ee hoos-mara buundada dadka ay u damaashaad tagaan ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka gabar lagu magacaabi jiray Muniira Axmed oo muddo saddex cisho ah ka

Ciidanka gargaarka deg-dega ah iyo booliiska magaalada Minneapolis ayaa meydka Muniira ka soo saaray webiga Mississippi.

Waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaan la xiriira dadka ka dambeeyay dilkeeda ama inay iyada Webiga ku dhacday.

Qaar kamid ah Qoyska Alle ha u Naxariistee Muniira ayaa dhankooda sheegay inay u maleeynayaan in Gabadhooda Webiga lagu riday, hayeeehee ay jawaab deg deg ah ka sugayaan Ciidamada Booliska ka howlgalla Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Ugu dambeyn, dhallinyaro badan oo Soomaali ah ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Minneapolis, iyada dilkaan kii ka horeeyay loo geystay todobaadkii hore Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Xasan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...