Cadale (Halqaran.com) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Khamiistii maanta safar dhulka ugu ambabaxay magaalada Muqdisho iyagoo gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif markii ay gaareen Cadale ayaa waxaa soo dhaweeyay mas‘uuliyiinta Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool ee halkaasi.
Ujeedka safarkooda Madaxweynayaashii hore ay ku tagayaan deegaanno ka tirsan Shabellaha Dhexe ayaa la xiriira u kuur gelida xaalada deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe iyo kulamo ay la qaataan maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Cadale.
Waa markii ugu horreysay ee safarka dhulka ah ay ku tagaan Madaxweynayaashii hore Soomaaliya, islamarkaana ay si wadajir ah u booqdaan deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.
Si kastaba, madaxdani ayaa waxaa kaga horeeyay deegaanka Cadale ee gobolka Shabeelaha dhexe Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminaayo, kuwaas oo halkaa u tagay indho indheen iyo xalinta beello degan halkaasi oo tabasho qaba.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





