Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Weerar Khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Bakool

Xudur (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya, in xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Xudur ee gobolkaasi.

Weerarkaasi oo isku badalay dagaal xoogga ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in dagaalka uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed.

Dadka ku nool degmada Xudur ayaa waxaa ay sheegeen in xaafadaha qaar ee degmada ay rasaasta ku soo dhaceysay, isla markaana ay soo wajahday cabsi la xiriirtay inay waxyeelo ka soo gaarto dagaalka.

Degmada Xudur ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka u go’doonsan Ururka Al-Shabaab ee ku yaal Gobolka Bakool, waxaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Laftagareen uu sheegay in dhawaan go’doonka laga qaadi doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...