Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Muxuu ahaa heshiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Itoobiya iyo Ruushka?

Addis Ababa (Halqaran.com) – Dowladaha Itoobiya iyo Ruushka ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi milatari, kadib wadahadal saddex maalmood qaatay, sida ay sheegtay warbaahinta Fana News.

Waaxda dhaqaalaha ee ciidamada difaaca ee Itoobiya ayaa saxiixay heshiiskan, kaas oo ay ku sheegtay inuu sare u qaadi doono xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Heshiiska ayaa sida la sheegay diirada lagu saari doona kor u qaadida aqoonta, difaaca, iyo awooda farsamada ciidamada difaaca.

Siyaasada arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa dhawaan u wareegtay dhanka Ruushka iyo Shiinaha taas oo ka dhalatay cadaadis xoog leh oo kaga yimid dhanka dawlada Maraykanka oo ku aadan dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

Bishii May, taageerayaasha ra’iisul wasaare Abiy Ahmed waxay sameeyeen mudaaharaad looga soo horjeedo Mareykanka oo ka dhacay caasimadda, Addis Ababa, iyo waddamada reer galbeedka, iyagoo ku cambaareeyay madaxweyne Joe Biden.

Dibadbaxayaasha ayaa u sacab tumay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping.

Si kastaba, maamulka Biden ayaa xayiraad ku soo rogay fiisooyinka iyo kaalmada dhaqaale ee dowladda Itoobiya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...