Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Hay’adda FAO oo kordhisay howlgalka la dagaallanka Ayaxa ee Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Cunnada iyo Beeraha  Qaramada Midoobay ee (FAO) ayaa sheegtay inay kordhisay howlgallada cirka ah ee lagu xakameynayo Ayax farabadan oo ku nool meelo kamid ah waqooyiga Soomaaliya.

Warbixinteedii ugu dambeysay ee ay soo saartay, ayay hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ku sheegtay in ayan jirin ayax lagu arkay intii lagu guda jiray sahmin ay ka sameeyeen gobolka waqooyi bari ee deegaannada Puntland

“Hawlaha ugu badan ee howlgallada dhinaca Hawada ah ayaa socda  si uusan ugu faafin Ayaxa yar yar ee haray ee ku soo duulay xeebta waqooyiga-galbeed ee (Somaliland),” ayay tiri hay’adda FAO.

Sidoo kale, waxay sheegtay in waxtarka sahminta iyo hawlgallada xakamaynta ee hadda ka socda waqooyiga Soomaaliya iyo bariga Itoobiya ay saamayn ku yeelan doonto baaxadda Ayaxa kusii qul qulaya waqooyi-bari Itoobiya.

Sida laga soo xigtay UN-ka, Ayaxu waa cayayaanka ugu da’da weyn uguna halaagga badan adduunka.

Ugu dambeyn, Soomaaliya waxaa ay kamid tahay dalalka sanad kasta uu saameynta xoogan ku yeesho Ayaxa, waxaana uu baabi’iyaa dalagyo farabadan oo ku beernaa Beer ku yaal Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...