Kismaayo (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland.
Shirka oo ay ka qeyb galeen madaxweynaha Jubaland iyo Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarkiisa Jubaland, ayaa looga hadlay qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; Wadashaqeynta Wasaaradaha XFS iyo kuwa Dowlad-goboleedyada, Dardargelinta mashaariicda horumarineed ee dowladd ka hirgelineyso Jubaland, doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta, Arrimaha bani’aadminimada Amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu warbixin ku saabsan howlaha wasaaradahooda iyo caqabadaha haysta ka dhageystay wasiirrada Jubaland, waxa uuna faray in Wasiirrada Federaalka in ay kulammo yeeshaan kuna lafa guraan sidii looga caawin lahaa xallinta wixii caqabad ah ee jira” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddu ay xoojin doonto mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo Dowlad-goboleedka Jubaland, isagoo faray wasaaradaha heer federaal in ay si dhow ula shaqeeyaan wasaaradaha Jubaland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





