Nairobi (Halqaran.com) – Booliska dalka Kenya ayaa sameeyay koox gaar ah oo baaraya kiisaska afduubka la xiriira oo ay sheegeen inay qatar ku yihiin guud ahaan amniga dalka.
Kulan ay yeesheen saraakiisha sarsare ee booliska ayaa lagu sheegay in dhacdooyinka afduubka ay ka mid yihiin arrimaha halista ugu weyn ku ah amniga ka hor doorashada guud ee sanadka dambe.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Fred Matiang’i ayaa sheegay in kooxda la siiyay adeegyo gaar ah oo ay ku howl galaan kuna xaliyaan dhibaatadan.
Matiang’i ayaa waxa uu ka hadlay baaxadda ay leedahay dhibaatada Afduubka, isagoo ku tilmaamay arrin aan sidaas u sii weynayn.
“Waxaan ku heshiinay in aan geyn doono ilo khaas ah oo arintaan wax ka qabto. Waa arrin aan sidaas u weynayn, maadaama ay boolisku ku talaabsadeen horumaro ballaaran oo ay ku baadi goobayaan kooxaha ka dambeeya arintaan, ”ayuu yiri Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya Fred Matiang’i
Sidoo kale, dhacdoooyinka la xiriira afduubka ayaa saamayn u gaystay bulshada Soomaalida ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi, kaddib markii dhowaan xaafaadda Islii laga afduubtay tiro gabdho ah.
Si kastaba, waxaa cabsi iyo welwel la soo deristay Soomaali badan oo ku nool dalka Kenya, iyada oo dhacdooyinkan muddo toddobaadyo ah aad looga hadal hayay baraha bulshada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





