Mudug (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya, in duleedka deegaanka Hareeri Dheere ee Koonfur Mudug uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyaaadka Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxa uu yimid, kadib markii Ciidamada dowladda oo dhaq dhaqaaq Talaadadii maanta ka wada Gobolka Mudug ay weerareen Goob ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warramayan in uu socdo dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Illaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Dagaalka ayaa daba socda howlgal Ciidamada dowladda illaa saaka ay ka wadeen deegaanno ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug, iyaga oo la wareegay deegaanka Bacaadweyne iyo deegaanno kale.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





