Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa subixii Sabtida maanta ah magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee, Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Cabduqaadir Cali Diiriye (Gen. Subxaanyo) oo magac iyo maamuusba ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed.
Allaha u Naxariisto Gen. Subxaanyo ayaa waxaa la sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku xanuun sanayay Muqdisho, waxaana geeridiisa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan DF Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Cabduqaadir Cali Diiriye (Gen. Subxaanyo).
“Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed‘‘ ayuu yiri Rooble.
Sidoo kale, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid AUN Gen. Cabdul qaadir Cali Diiriye (Subxaanyo).
“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda iyo shacabka Galmudug, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Gen. Cabdulqadir Cali Diiriye, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeenayaa ehelka iyo qaraabadii uu ka baxay, waxaan Eebbe uga baryayaa inuu ka waraabiyo janadul Firdowsa‘‘ ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





