Saturday, June 20, 2026
25.7 C
Mogadishu

Maxaa kaa soo baxay Kulankii RW Rooble, Madaxda Dowlad goboleedyada & Midowga Musharraxiinta?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay casho sharaf uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye u sameeyay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran iyo qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta.

Kulanka ayaa yimid kaddib markii la soo gabagabeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo laga soo saaray Jadwalka Doorashooyinka Dalka.

Madaxda ayaa iska xog wareystay xaaladda dalka, dardargelinta arrimaha doorashooyinka iyo sidii qof walba uu uga qeyb qaadan lahaa.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in mid walba uu dib ugu laabto deegaannadiisa si uu u muujiyo diyaar garoowgiisa ku aadan arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...