Saturday, May 2, 2026
28.5 C
Mogadishu

Qareenka Donald Trump been uu sheegay dartiis oo loogu dhegan yahay!

New York (Halqaran.com) – Gobolka New York ee dalka Mareykanka ayaa xannibay rugsaddii sharci ee uu ku shaqeysan jiray Rudy Giuliani oo ah qareenka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaddib markii maxkamadda racfaanka ee gobolkaas ay ogaatay inuu been ka sheegay doorashadii Mareykanka ee 2020.

Giuliani oo 77 jir ah ayaa sheegay in doorashadan laga xaday Donald Trump, haye yeeshee maxkamadda racfaanka ayaa sheegtay in been abuur cad iyo marin habaabin’ uu ka sheegay doorashadii uu ku guuleystay madaxweynaha xisbiga Dimoqraadiga ee Joe Biden.

Qareenka Trump, Giuliani ayaa hore u soo nooday Garyaqaankii degmada Manhattan iyo duqa magaalada New York, waxaa lagu ciqaabay hadallada uu ka sheegay doorashadan.

Iyadoo tixraaceysa qalalaasihii Lixdii Janaayo ee ka dhacay Xarunta Congress-ka Mareykanka ayaa Maxkamadda Racfaanku waxay sheegtay in been-abuurka Giuliani ay khatar galin karto kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada, taas oo astaan u ah dimoqraadiyada Mareykanka iyo sidoo kale xirfadda sharciga.

Maxkamadda ayaa soo xigatay hadalkii Madaxweyne Joe Biden ee ahaa “Dalkan waxaa kala dhantaalaya weerarada joogtada ah ee lagu qaadayo saxnaanta doorashadii 2020 iyo madaxweynaheenna hadda, gaar ahaan hadalldada beenta ah ee uu sheegayo (Giuliani), isagoo ku shaqeynaya awoodda qareennimo, isla markaana dhawaqiisa meeldheer geynaya. Waxyeella weynna waa geystay”

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay bannaanka gurigiisa ku yaal bariga Mamhattan ayuu Giuliani ugu yeeray “ganaaxa la saaray mid hal dhinaca ah oo aan ku saleysneyn caddeyn”.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa qortay in Trump uu si isdaba joog ah u sameeyay sheegashada beenta ah ee ah inuu ka adkaaday Biden.

Ugu dambeyn, maxkamada racfaanka ayaa sheegtay in hakinta kumeelgaarka ah ee Giuliani ay isku bedeli karto in si buuxda shatigiisa sharciga looga xayuubiyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...