Tuesday, June 23, 2026
25.2 C
Mogadishu

Ciidamada Milateriga Somaliya oo deegaan cusub dagaal kula wareegay

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxa uu dagaal culus ku dhexmaray deegaanka Orshe oo dhanka bari 50 km ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen deegaankaas oo ay ku sugnayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxana dadka deegaanka ay ku soo warramayaan in uu halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ay Al-Shabaab khasaaro ku gaarsiiyeen, sidoo kalena Ciidamada ay guud ahaan la wareegeen deegaanka Orshe ee Gobolka Galgaduud.

Waxay intaasi ku dareen saraakiisha in howlgalka uu ka dambeeyay kadib markii dadka deegaanka ay u soo gudbiyeen cabasho ku aadan dhibaato ay ku hayaan Al-Shabaab.

Si kastaba, dhowr jeer ayaa Al-Shabaab waxaa weerarro hoobiyeyaal ahaa ay ku soo qaadeen magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana taasi ay keentay in Ciidamada dowladda ay bilihii la soo dhaafay sameeyaan howlgallo kala duwan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...