Saturday, May 2, 2026
29 C
Mogadishu

Muxuu ahaa Khilaafka u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo Xildhibaanno Yuhuud ah?

Minnesota (Halqaran.com) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congreska Mareykanka ayaa waxay jawaab kulul oo naadir ah siiyay xubnaha ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga, kadib hadal horey uga soo yeeray oo ay Mareykanka iyo Israa’iil la barbar dhigtay kooxaha Taliban iyo Xamas.

Tiro xildhibaanno Yuhuud ah ayaa Ilhan Cumar ugu baaqay inay “cadeyso ereyadeeda”, iyadoo wakiilka Minnesota ayaa si kulul u weeraray xildhibaannadan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay dhalleeceyn Ms Omar u jeediso Israel ay khilaaf ka dhex abuurto xubnaha xisbigeeda.

Sannadkii 2019-kii, waxay raalli-galin ka bixisay hadal ay sheegtay oo ahaa in ay lacag ay sabab u tahay taageerada Israa’iil.

Maalintii Isniinta, Ms Omar waxay barteeda Twitterka ku soo qortay “waxaan aragnay gumaadka aan la malayn karin ee ay gaysteen Mareykanka, Xamaas, Israel, Afghanistan, iyo Taliban”.

“Waa inaan u helnaa isla xisaabtan iyo cadaalad dhammaan dhibanayaasha xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha,” ayay qortay, xilli ay su’aalo waydiinaysa Xoghayaha Arimaha Dibada Anthony Blinken intii lagu guda jiray dhageysiga gudiga Aqalka Wakiilada.

Khilaafka ayaa imaanaya todobaadyo uun kadib markii dagaalkii u dhaxeeyay Xamas iyo Israa’iil lagu soo afjaray xabad joojin iyadoo ay isa soo tarayaan wararka ku saabsan weerarada neceyb ee ka dhanka ah Yuhuuda Mareykanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...