Monday, April 20, 2026
28.3 C
Mogadishu

RW Rooble oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Toddobaadka Xorriyadda

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda ayaa faray diyaarinta munaasabado muujinaya qiimaha shacabka Soomaaliyeed ay u hayaanmaalmaha xurriyadda iyo midnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay la joogo xiliigii dadka Soomaaliyeed ay soo nooleyn lahaayeen miro-dhalkii gobanimada, dowladnimada iyo midnimada, soona celin lahaayeen maqaaamkii iyo magacigii ay ku lahaayeen gobolka iyo qaaradda.

Xubnaha Guddiga eek u magacaaban wareegtada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe, halka uu Guddoomiuye Kuxigeenka uu ka yahay Wasiirka Amniga XFS Mudane Xasan Xundubeey Jimcaale.

Xubnaha kale ee Guddiga ayaa kala ah;

1- Mudane Durraan Axmd Faarax Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada

2- Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga

3- Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda

4- Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Wasiir Gargaarka & M. Masiibooyinka

5- Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Wasiirka Shaqada & Arr. Bulshada

6- Marwo Shugri Maxamuud Afrax Wasiiru Dowlaha Tamarta iyo Biyaha

7- Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aha Duqa Muqdisho

8- Mudane Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirrada Xoghayaha Fulinta

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...