Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

Xafladda gunaanadka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo goordhow billaaban doono

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa goor dhow xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni lagu wadaa in ay ka billaabato xafladda gunaanadka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, waxaana lagu wadaa in uu ka soo baxo warmurtiyeed ku saabsan heshiis ay si wadajir ah u saxiixeen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Munaasabadda xiritaanka shirka ayaa waxaa ka qeybgali doonaan dhammaan saamileyda siyaasadda marka laga reebo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo aan ku qancin guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, guddoomiyaha golaha shacabka, dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay hadallo ka jeediyaan xafladan gunaanadka ah.

Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ayaa ka socota hoolka, waxaana haatan ku sugan ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...