Sunday, April 19, 2026
27.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Wasiir Dubbe ”Waa been kulanka la sheegay in Somaliya & Kenya ku yeelanayaan Qadar”

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta ee XF Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa beeniyay in dhawaan ay dalka Qatar ku kulmi doonaan Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Soomaliya.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in kulankaasi uusan jirin, islamarkaana dowladda Soomaaliya aysan gorgortan ka gali doonin muranka badda ee ka dhaxeeya dowladda Kenya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay sugayaan go’aanka Maxkamadda oo dhawaan la soo gagabeeyay, islamarkaana hadda natiijada oo kaliyah la sugaayo.

“Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa dalalka ka shaqeeyey isu soo dhowaan tan, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan magaalada Dooxa ee dalka Qatar.” ayuu yiri Wasiir Warfaafinta ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale yiri, “Arrinka Badda Soomaaliyana wuxu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda”.

Haddaba halka hoose ka dhageyso Wareysiga Wasiir Dubbe oo dhammeystiran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...