Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Jaamacadda Carabta oo berri Shir deg-deg ah yeelanaya

Qaahira (Halqaran.com) – Wakiillada Joogtada ah ee Golaha Ururka Jaamacadda Carabta ayaa maalinta berri oo isniin ah kulankoodii caadiga ahaa ku yaallan doona magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Shirkan oo ay guddoomin doonto dowladda Masar ayaa waxaa looga hadli doonaa dambiyada ay ciidamada Israel ka geystaan magaalada Qudusta la heysto.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Xusaam Zaki ayaa ku dhawaaqay Shirkaasi berri ka dhici doona magaalada Qaahira, iyadoo ay maamulka Reer Falastiin codsadeen Shirka deg-dega ah ee looga hadlayo tacadiyada iyo weerarrada ay Askarta Yuhuudda u geystaan dadka ku cibaadaysanaya Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa.

Sidoo kale, kulanka berri ay wakiillada joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta yeelan doonaan ayaa waxaa looga hadli doonaa qorshaha Israel ay ku doonayso inay xoog ku qaataan guryaha muwaadiniinta reer Falastiin ee ku nool Qudus, gaar ahaan Deegaanka Sheekh Jarrah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...