Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Somaliland.
Wareegtada ayaa u qorneyd sida tan:
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
MarkaanArkay: Dastuurka Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
Markaan Arkay: Muhiimadda Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolku u leeyahay Amniga iyo Dhismaha Dawladnimadda;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In Maxamed Khaliif Nuur Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Somaliland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





