Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

Hindiya: Tirada dadka uu ku dhacay Cudurka Covid-19 oo gaartay 21 Milyan

Hindiya (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka dalka Hindiya ayaa ku soo warramaysa in guud ahaan tirada dadka uu haleelay Cudurka safmarkeena Covid-19 ay kor u dhaaftay in kabadan 21 Milyan, iyadoo hadda muujada labadaan ay la daalaadhacaan

Wasaaradda ayaa wax ay sheegtay inuu yahay kii ugu xumaa dunida ee soo marta Hindiya, sidoo kale waxa ay sheegtay in cudurkaan ay u dhinteen illaa iyo hadda dad ka badan labo boqol iyo soddon kun oo qof

Guud ahaan gobollada dalkaasi Hindiya ayaa la sheegay in gabaabsi ay ka yihiin Agabyada caafimaadka ee lagu tacaalo Covid-19, gaar ahaan deegaannada miyiiga uu muddooyinka faro ba‘an ku hayo.

Qurba-joogta iyo ganacsatada ayaa door weyn ka qaadanayo sidii dadka loogu gargaari lahaa, waxaana sidoo kale dowladda dalkaasi ay saxiibadeeda caalamka weydisay garab istaag.

Dowladaha Mareykanka, Ruubsha iyo dalalka kale ayaa gaarsiiyay qalab caafimaad si wax looga qabto saameynta xooggan ee Covid-19 ee uu ku yeeshay dalkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...