Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaarada Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa ka hadashay soo celinta xiriirka diblumaasi ee labada dal Kenya iyo Soomaaliya oo ay dowlada Soomaaliya ku dhawaaqday maanta.
Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadan tahay mid horumar ah ayna diyaar u tahay inay sii waddo xiriirka caadiga ah ee mas’uuliyiinta Soomaalida oo ay ka mid yihiin arrimaha ganacsiga, isgaarsiinta, gaadiidka, xiriirka dadka iyo is-dhaafsiga dhaqanka.
Dowlada Kenya ayaa uga mahadcelisay dowlada Qatar dadaalka ay u gashay in xiriirka labada dal uu dib u soo laabto.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qireysaa taageerada joogtada ah ee ay ka heshay beesha caalamka, gaar ahaanna dowladda Qadar, dadaallada lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay soo saartay wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya.
DF Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday wax yar kadib markii Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu ka helay dhambaal Amiirka al Thani oo loo sii mariyay ergeygiisa gaarka ah Mutlaq bin Majed al Qahtani.
Waxay aheyd 15-kii Bishii December ee sanadkii 2020, markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in xiriirka diblumaasiyaded u jartay dowladda Kenya oo ay ku eedeysay xad-gudubyo siyaasadeed iyo fara-gelinta isdaba joogga ah ee muddoonyinkii ugu dambeeyey ay ku haysay madax-banaanida Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





