Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa Sabtidii Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana khudbad u jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa ka codsaday Xildhibaannada inay ka laabtaan sharcigii jiheynta doorashooyinka oo ay Xildhibaannada horay u ansixiyeen 12-kii Bishii April, kadib markii sida uu sheegay diidmo lagala horyimid ayna oggolaadaan in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa intaasi ka dib cod u qaaday in dib loogu laabto heshiiskii doorashada ee 17kii Serptember, waxaana meesha ka baxday sharicgii jiheynta doorashada oo ay Xildhibaananda asnixiyeen, kaasoo ahaa in muddo laba sano ah lagu qabto doorasho qof iyo Cod ah taas oo muuineysay in Hay’adaha kala duwan ee dowladda ee uu wqtiga ka dhammaaday loo kordhiyay inay shaqeeyaan muddo labo Sano ah.
140 Mudane ayaa soo xaadirta Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaa oggolaatay in sharciga loo noqdo heshiiskii 17-kii September dhammaan 140 Xildhibaan ee Kulanka fadhiyay, mana jirin wax diiday ama ka aamusay intuba.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee aqbalay codsigooda oo ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-ka September.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





