Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa Arbacadii maanta waxaa lagu dhuftay albaabka hore ee Xerada Asluubta oo u dhaw Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in Qaraxa uu burburiyay darbiga Xerada, isla markaana khasaaro dhimasho iho dhaawac ah ay ku noqdeen dad Shacab ah oo badankood saarnaa Mooto Bajaaj Goobta mareeysay.
Ilaa iyo saddex qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, todobo kalena way ku dhaawacmeen qaraxa, sidoo kale waxaa uu geystay burbur hantiyadeed.
Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan ku guuleysan ujeedkooda oo ahaa in ay gaariga waraxa siday gudaha Xerada geliyaan, balse darbiga Xerada oo ah mid adag uu dhaafi waayay sidaasina uu ku qarxay.
Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in la fashiliyay gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen Al-Shabaab, kaas oo ay doonayeen in ay gudaha u geliaan xarunta taliska Guud ee ciidanka Asluubta ee KM7.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Gashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf oo la hadlay Warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa lagu dhuftay albaabka hore ee Xerada Asluubta oo u dhaw Ex-Control Afgooye, iyagoona sheegtay ay ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa asluubta.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





