Friday, May 1, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota

Minneapolis (Halqaran.com) – Waxaa xalay lagu dilay xaafadda Cedar ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa shaqaalaha xawaaladda TAAJ, kadib markii koox hubeysan oo doonayay inay dhacaan xawaaladda ay toogteen.

Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusman Baqarre ayaa isbitaalka loola cararay, iyadoo waxyar kaddibna lagu dhawaaqay geeridiisa.

Booliska Magaalada Minneapolis ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka Liibaan, waxaana afhayeenka booliska Minneapolis John Elder uu sheegay inay billaabeen baaritaanka toogashadan, isagoo ka codsaday dadweynaha in haddii ay helaan macluumaad ku saabsan dadka looga shakisanyahay dilkan ay u soo gudbiyaan dambi-baareyaasha Minneapolis.

Soomaalida xaafadda Cedar oo ka xun dilkan ayaa iskugu soo baxay goobtii lagu dilay Liibaan Baqarre.

Dhawaan ayey aheyd markii toogasho nuucaan oo kale ah lagu dilay Macallin Cabdinaasir oo ka mid ahaa macallimiinta dugsiga Qur’aanka ee Al-Jazari ee Masjidka Dar-Al-farooq ee magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...