Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in maalinta sabtida ah ay shir deg deg ah isugu yimaadaan, si uu ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Waqtigiisu dhamaaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isugu yeeray Xildhibaannada Maalinta Sabtida ah ee soo socota oo ku beegan 1 Bisha May Maalinta Shaqaale Weynaha Adduunka.
Xildhibaannada ayaa la filayaa in ay dib uga laabtaan tallaabada ay muddo kordhinta ugu sameeyeen madaxweyne Farmaajo, kadib markii si kulul looga horyimid muddo kororsiga, iyadoona arrintan ay ka dhalatay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dagaal u dhexeeyay ciidamada DFS iyo ciidamo ka soo horjeeda muddo kordhinta.
Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa kadib markii Madaxweynaha Waqtigu ka idlaaday uu jeediyay hadal la xiriirtay Arrimaha Doorashooyinka
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





