Muqdisho (Halqaran.com) – Maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ka soo horjeestay muddo kororsiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
War-saxaafadeed oo ay si wadajir ah u saareen labadaas maamul ayey ku sheegeen in aysan aqbali doonin burbur dalka ku yimaada, taas oo ka dhalata muddo kororsiga Madaxweyne.
Maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa cambaareeyay dagaaladii ka dhacay Muqdisho, waxayna ku baaqeen in la dejiyo xaalada iyo in la qabto doorasho ku qotonta heshiiskii 17-kii September ee 2020-kii.
Haddaba halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka labada maamulka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





