Muqdisho (Halqaran.com) – Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa sheegay inuu ”Aad uga walaacsan yahay xaaladda Muqdisho”.
“Waxaan aad uga walaacsanahay dhacdooyinka ka socda magaalada Muqdisho, danta guud waxay ku jirtaa xakameynta ugu sareysa, ilaalinta hay’adaha ammaanka iyo wadahadalada. Rabshadaha lama aqbali karo. Kuwa ka masuulka ahna waa lala xisaabtami doonaa” ayuu yiri Nicolas Berlanga
Hadalka wakiilka ayaa imaanaya xilli saacadihii la soo dhaafay xaaladda magaalada Muqdisho aysan dagganeyn, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ku dagaalameen qeybo kamid ah magaalada.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





