Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

Shariif Sh. Axmed oo si adag uga hadlay weerarkii lagu qaaday Hoyga Xasan Sheekh iyo CCWarsame

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka ay Ciidamada Dowladda ku qaadeen Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dhibaatada ka dhalata weerarkaasi uu masuuliyadeeda qaadi doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War qoraal ah oo uu soo saaray Shariif Sheekh Axmed ayaa u qornaa sidan:-

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarada qaar ka mid ah Ciidamada Dowladdu ay ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoghaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dhibaatada weerarkaas ka dhalata musuuliyadeeda waxaa qaadaya madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaan ugu baaqayaa ciidamada qaranka in aysan qaadan amarada khaldan ee lidka ku ah sharciga ciidanka iyo sharuucda kale ee dalka u degsan iyadoo aan uga digayno ciidamada in aysan ku milmin siyaasadda.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday inuu joojiyo dhiigga daadanaya iyo qalalaasaha uu ka wado caasimadda, Dalkana uusan u horseedin burbur iyo qaran jab, xalkuna wuxuu jiraa in dalku doorasho aado.

Soomaaliya xal aan ahayn wadahadal iyo isqancin xilligan wax aan ahayn kama furna, haddii ciidan iyo dagaal ooganimo wax lagu helayo kuwa isaga ka xoog iyo hub badnaa ayay dadka Muqdisho barqad cad iska xureeyeen.

Shacabka Soomaaliyeed na waxaan ugu baaqayaa in loo wada istaago sidii dalkan looga badbaadin lahaa in uu dib ugu laabto meeshii adkeyd ee laga keenay, oo si wadajir ah loga hortago khatarta taliska xilligiisu dhammaaday.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...