Sunday, May 10, 2026
28.2 C
Mogadishu

Turkiga oo raadinaya nin la baxsaday 2 bilyan oo doolar!

Istanbul (Halqaran.com) – Dacwad oogayaasha Turkiga ayaa Khamiistii furay baaritaan kadib markii aasaasihii shirkadda Thodex ee sarifka lacagta loo yaqaano Cryptocurrency taasoo fadhigeedu yahay magaalada Istanbul uu xiray shirkadda isla markaana uu dalka ka cararay iyadoo la sheegay in hanti dhan 2 bilyan oo doolar ay tahay hantida maalgashadayaasha.

Warbixinada warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegaya in ninkaan lagu magacaabo Faruk Fatih Ozer oo 28-jir ah uu u baxsaday midkood Albania ama Thailand.

Toddobaadkii hore dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay mamnuuci doonto adeegsiga lacagahaas laga billaabo 30-ka bisha April.

Saraakiisha Turkiga ayaa sii daayay sawirka aasaasaha shirkadda Thodex Ozer oo maraya kontaroolka baasaboorka garoonka diyaaradaha ee Istanbul isagoo ku sii jeeda meel aan la cayimin.

Ozer ayaa sheegay in eedeymahaas loo soo jeediyay ay yihiin “Kuwo aan sal iyo raad toona laheyn.”

Saraakiisha ayaa sidoo kale xiray akoonada bankiga ee Mr Ozer.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...