Muqdisho (Halqaran.com) – Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah ay u direen Madaxa Shir Gudoonka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo ah Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Ethiopia Ambassador Maxamed Idris Farah kaa oo ay cabasho kaga yihiin waqti kordhinta loosameeyay hay’adaha Dowladda Soomaaliya.
Warqaddaan ayaa loo diray Safaaradda Jabuuti ee Ethiopia, waxaana Golaha Badbaada Qaran ee Soomaaliya ay ku wargeliyeen Gudoomiyaha Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika sida ay uga walaacsan yihiin xaaladda hadda ay mareyso Soomaaliya waxaana ay soo dhaweeyeen dadaalada Midowga Africa uu ku bixinayo sidii xal arrimaha taagan looga gaari lahaa.
Qoraalka Golaha Badbaado Qaran ay u direen Ambassador Maxamed Idris Farah ayay ku sheegeen in Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ay ka horyimaadaan waqti kordhinta Baarlamaanka ay u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo ayna tallaabo ka qaadaan kuwii falkaasi ku kacay.
Qoraalkooda ayaa sidoo kale waxaa ku jiray in ay wax waliba diyaar u yihiin oo miiska wada hadalka lagu dhameynayo balse siyaasadda Soomaaliya uu isku kali yeelay hal qof oo ay ula jeedaan Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday.
Madasha ayaa soo jeedisay in ay soo dhaweynayaan wada hadal waliba oo lagu gaarayo in lagu meel mariyo heshiiska 17 September ayna kasoo horjeedaan in wada hadalada lagusoo lifaaqo waqti kordhinta Hay’adaha dowladda loosameeyay.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





