Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo saakay dib ugu soo laabtay dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , oo safar hal maalin qaatay ugu maqnaa dalka Congo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo ayaa Isniintii wadahadallo kula yeeshay magaalada Kinshasa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Felix Tshisekedi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in waxyaabihii laga wada hadlay ay xooga saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ee ka dhexeeya labada dal iyo sidoo kale doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika (AU) uu ka ciyaaro horumarka Afrika.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka codsaday madaxweynaha Koongo in uu fududeeyo wadahadallo dhexmara Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada Mucaaradka ku kuwaas oo diidan muddo kordhinta loo sameeyay

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...