Saturday, May 30, 2026
26.7 C
Mogadishu

Midowga Musharaxiinta oo ku gacan seyray fariin loogu soo dhiibay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe

Muqdisho (Halqaran.com) – Faahfaahino dheeraad ayaa laga helayaa kulan xalay dhexmaray Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle, kaas oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, balse natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa Midowga Musharaxiinta xalay kulankaas kula wadaagay fariin ay uga wadeen madaxweyne Farmaajo, taas oo ah in Farmaajo uu kulan gaar ah la yeesho musharaxiinta, balse waa ay ku gacan seyreen dalabka madaxweyne Farmaajo, sida aan xogta ku helnay.

Intii kulankaasi socday waxaa la sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu isaga baxay, kadib markii Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay ula yimaadeen musharaxiinta fariin aysan ka sugeyn, maadaama horay loogu balamay go’aankooda ku aadan mudo kororsiga Farmaajo ay ka cadeeyaan shirweynaha beelaha Hawiye ay iclaamiyeen Isniinta berri ah.

Intaas kadib waxaa lagu kala dareeray kulankii ay xalay isugu yimaadeen Midowga Musharaxiinta, Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe, waxayna musharaxiintu si cad u diideen inay aqbalaan dalabka madaxweyne Farmaajo ee ah inuu la kulmo.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...