Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: DF Somaliya oo shaacisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiiru dowlaha wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XF Soomaaliya,  Maxamuud Macalin Yaxye ayaa caawa ku dhawaaqay in maalinta berri  oo (Tallaado ah) ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Bilashada bisha Ramadan ayaa waxaa laga arkay degeaanno ka tirsan maamullada Puntland iyo Hirshabeele, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamuladaas.

Berri oo bisha April tahay 13, waa maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan sanadka 1442 Hijriya.

Sidoo kale, dalal badan ayaa shaaciyay in berri ay tahay maalin Ramadaan, waxaana dalalkaas ka mid ah Sacuudiga iyo dalal kale.

RAMADAAN KARIIM DHAMMAAN UMMADDA SOOMAALIYEED.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...