Sunday, June 14, 2026
27.8 C
Mogadishu

”Madaxweyne Farmaajo wuxuu dalka ku wadaa God Madow” waxa yiri..

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharraxiinta ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka xilligaan iyo Kulanka u furmay Xildhibaannada Golaha Shacabka, kaas oo la sheegay in Xildhibaannada ku doonayaan inay sameeyaan muddo kororsi.

Xubnaha Midowga Musharraxiinta oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dalka uu ku wado meel ana wanaagsaneyn iyo xasilooni darro.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Farmaajo uu doonayo mudda kororsi aan sharciga waafaqsanayn, kaas horseedi doona fowda iyo burbur ay adag tahay in dib looga soo kabto.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu socd muddo kororsi aan shacri aheyn, waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in Ciidamada Qaranka ay ku kala qyeb samaan xaaladda Siyaasadeed ee dalka.

Ugu dambeyn, golaha midowga musharraxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen Tallaabadii uu maanta Taliyihii Booliska Gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) uu uga digay in dalka aan la galin xaalad Cusub oo siyaasadeed, walow markii dambe xilka laga qaaday taliyaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...