Sunday, June 14, 2026
25.9 C
Mogadishu

Mucaaradka Jabuuti oo si adag uga hadlay guusha Madaxweyne Geelle

Jabuuti (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Raad, Cabdiraxmaan Maxamed sidoo kalena soo noqday duqa magaalada Jabuuti ayaa laanta Af Soomaaliga ee BBC u sheegay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku guul dareystay in uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana natiijada doorashada aanay waxbo soo kordhin doonin.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii Shanaad loo doortay madaxweynaha mar kale hoggaamin doono dalka Jabuuti.

Mr. Geelle ayaa ku guuleystay boqolkiiba 98 codadkii la dhiibtay halka musharraxa kaliya ah ee la tartamayay Zakariye Ismaaciil Faarax uu helay boqolkiiba 1.59.

Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa qaadacay doorashadii shaley ka dhacday Jabuuti kadib markii ay madaxweynaha ku eedeeyeen in uusan diyaar u ahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

Madaxweyne Geelle oo 73 jir ah ayaa xilka Jabuuti hayay tan iyo sanadkii 1999, wuxuuna sii maamuli doonaa Jabuuti shanta sanno ee soo socota.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...