Thursday, April 23, 2026
29.8 C
Mogadishu

UPDATE: Kiiska Baaritaanka dilka guddoomiyihii Degmada Hodan oo la soo gabagabeeyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddigii loo xil saaray baaritaanka dilkii guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun ayaa Sabtidii maanta galka Baarista kiiskaas ku wareejiyey xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo kamid ah Ehellada Guddoomiyihii degmada Hodan ayaa sheegay in baaritaanka dhacdada lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan ay bilaabeen 28-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan, islamarkaana natiijadii soo baxday ay u gudbiyeen xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada.

Cali Yare ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan aysan aheyn mid la qaadan karo ka maamul ahaana ay daba socon doonaan ilaa uu cadaalad ka helo.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa sheegay in muddo laba Bilood ah ay ku qaadatay baaritaanka dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan, kaas oo uu sheegay in meel wanagsan ay soo gaartay.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in Hay’adaha garsoorka dalka ay Shaqadooda qabsan doonaan ayna billaabi doonaan qaadiska dacwadda Kiiska uuna rajeeynayo inay Cadaalad heli doonaan Qoyska guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir AUN Cabdixakiin Dhegajuun.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...