Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

UPDATE: Maxkamad diiday in la xiro xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma ee Kenya

Nairobi (Halqaran.com) – Garsoore Kenyaan ah ayaa is hor-taagay go’aanka ay Dowladda Kenya ku dooneyso in ay ku xirto laba xero qaxooti oo ay ku sugan yihiin boqolaal kun oo qof oo badankood ay ka soo jeedaan Soomaaliya, sida lagu sheegay nuqul ka mid ah amarka maxkamadda oo ay aragtay Wakaaladda ee Reuters.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa shaaciyay laba toddobaad ka hor, in dowladdiisu ay dooneyso in la xiro xeryaha, waxaana uu siiyay hay’ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR laba todobaad oo fursad ah, si ay u soo gudbiso qorshaheeda ay tallaabadan ku fulineyso.

Fred Matiang’i ayaa intaa ku daray, in aanan horey loo sii wadi karin wax wadahadallo dheeri ah oo looga baaqsanayo xiridda xeryahaasi.

Xukunka uu garsooraha soo saaray ayaa hakinaya qorshaha dowladda kenya muddo bil ah.

Arrintan ayaa timid, kaddib markii siyaasiyiin maxalli ah oo qorshahan kasoo horjeeda ay maxkamadda ka codsadeen in meesha laga saaro tallaabada ay dowladdu ku dooneyso in albaabada leysugu dhufto xeryaha.

Kiiska la xiriira qorshaha ay dowladda Kenya ku xirayso xeryaha ayaa bil kadib waxaa dib loogu soo celin doonaa maxkamada.

Si kastaba, xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee waqooyiga dalka Kenya ayaa waxaa degan in ka badan 410,000 oo qof oo Soomaali u badan, tiro yar oo dadkaasi ka mid ah waxa ay ka yimaadeen Koonfurta Suudaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...