Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Kiisaska cusub ee Covid-19 ee Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee Kiisaska COVID-19 ku sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay laga baaray cudurkaasi 1176 ruux.

Warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in la diiwaan geliyey 160 bukaan cusub oo soo ritay cudurka COVID-19 , taas oo ka dhigan in weli ay jirto khatarta uu dalkeena ku haayo cudurkaasi.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay ay 11 qof ay u dhimatay cudurka COVID-19 halka ay ka bogsadeen 65 qof.

Si kastaba, cudurka COVID-19  ayaa u muuqdo mid sii faafaya ayadoo ay jirto in bulshada Soomaaliyeed intooda badan aysan muujineyn taxadarka ka hortaga cudurkaasi.

Wasaaradda caafimaadka ee XF Soomaaliya ayaa wado daddaalo lagu wacyi-gelinayo bulshada Soomaaliyeed, si ay uga taxadiraan halista uu leeyahay Covid-19.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...