Monday, July 13, 2026
25.1 C
Mogadishu

Rag dil ka geystay Gaalkacyo oo la soo qabtay

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay inay gacanta ku soo qabtay raggii fuliyay dil Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa laanta dambi barista gobolka Mudug ee Puntland.

Mr Sanyare ayaa sheegay in markii ay dileen in ay isku dayeen in ay baxsadaan, laakiin ay gacanta ku dhigeen hay’addaha Ammaanka , islamarkaana ay dhawaan sharciga hor keeni doonaan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur, ayaa waalidiinta Gobolka ka codsaday, in ay Laamaha Amniga la soo xiriiraan, haddii ay carruurtooda uga shakiyaan Al-Shabaabnimo.

Axmed Muuse Nuur oo xalay warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo, ayaa sheegay in dowladdu ay baaritaan ku samayn doonto carruurtaas, kadibna ay natiijada baaritaankaas waalidkood la wadaagi doonto.

“Ilmihiinna haddaad ka shakidaan noo keena oo dhaha ilmahayaga waan ka shakinay ee noo fiiriya bal suu yahay annagu daqiiqad baan ku soo saaraynna” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...