Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

UPDATE +DAAWO SAWIRO: Faah-faahin dheeraad oo ka soo baxeysa Qarax ka dhacay Muqdisho & Agaasime ku …

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay Carwadii hore ee Taleex ee Degmada Hodan, kaasi oo lala eegtay gaari ciidan oo halkaasi maraayay.

Gaariga Ciidanka ay saarnaayeen ayaa waxaa wadatay Agaasimaha Isbitaalka Xoogga dalka Khadiijo Iimaan Caynte oo ku dhaawacantay Qaraxaasi.

Sidoo kale, waxaa dhaawac uu soo gaaray darawalkeeda oo lagu magacaabo Aadan Yare, maadaama Qaraxa uu ahaa miino oo gaariga uu qabsaday.

Dhaawaca Agaasimaha ayaa la geeyay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu daaweynaayo.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi lala eegtay Agaasimaha Isbitaalka Xoogga dalka Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...