Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

Maxay tahay Ujeedka laga leeyahay Ciidamada DF Somaliya ee maanta laga dejiyay magaalada Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in maanta halkaasi la geeyay Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya oo lagu geeyay diyaarado.

Ciidankaan ayaa laga qaaday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana laga dajiyay Garoonka Magaalada Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Danab ee Militariga Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa isugu jira Boolis iyo Koofi gaduud ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya, waxaana la sheegayaa qorshaha loo geeyay Magaalada Dhuusamareeb inay tahay suggida ammaanka Shirka Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidankaan la geeyay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa ku soo aadaya iyadoo Ahlu Sunna ay diidaneyd Ciidamo in la geeyo Magaaladaasi, islamarkaana ay soo saareen qoraal arrintaasi ay kaga digayaan.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa iska indha tireysa baaqyada kala duwan ee ka soo baxaya Ahlu Sunna, islamarkaana go‘aansatay in Magaaladaasi lagu daabulo Ciidamo ka tirsan dowladda.

Si kastaba, lama oga sida Ahlu Sunna ay uga fal celin doonaan Ciidamadan ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ee la geeyay magaaladaasi, kuwaasi oo sida muuqata aanan lagala tashan Madaxda Ahlu Sunna.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...