Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta gaaray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxa isku xirka arrimaha gargaarka Soomaaliya ahna ku-xigeenka madaxa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Adam Abdul Mowla iyo u qaabilsanaha hay’adda caafimaadka adduunka ee Somaliya Dr Malik ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Waxaa wafdigaan garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku qaabiley Wasiirro ka tirsan Galmudug sida Wasiirka Caafimaadka Dr. Abdiwali Abdulahi Jaamac, madaxda Wasaaradda Gargaarka iyo Mas’uuliyiin kale.

Wafdigan waxaa Dhuusamareeb ku qaabilay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug,  Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Wasiirka Caafimadka iyo Wasiiro kale oo ka tirsan Galmudug.

Waxayna wafdigan si rasmi ah u daah fureen Mashruuc Hay’adda Caafimaadka adduunka ay Isbitaalka Xanaano ee Dhuusamareeb kaga hirgalisey nidaam koronto oo Tamarta qoraxda u badalaya awood dab keydin oo suuragalisey in isbitaalku helo dab ku filan.

Waxaa sidoo kale gobjoog u ahayeen Daahfurka Tallaalka Covid19 ee Galmudug oo lagu bilaabay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Dahir Eid iyo Gudomiyaha Barlamanka Gacal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...