Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah waxaa la filayaa inay kulan ku yeeshaan xarunta villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Ajandaha kulanka ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay caabuqa halista ah ee COVID-19 oo markale ku soo laba kacleeyay gudaha dalka, lana diiwaan geliyay kiisas farabadan oo caabuqa ah.
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa xalay loo diray farriimo ku aadan in maanta uu jiro kulan guud, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan kulankaas.
Kulanka maanta ee golaha ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid cakiran, isla markaana aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin qabsoomidda doorashada dhaceysa.
Baraha bulshada ayaa si weyn xildhibaano ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka ay ugu sheegeen inay shaki farabadan ka qabaan kulanka, iyagoona sheegay in laga cabsi qabo in dowladda dalbato muddo kororsi, waxaana kulankaas uu yahay mid maanta isha lagu wada haayo.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





