Qaahira (Halqaran.com) – Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyt ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu dadaal ballaaran ku bixineeyso taageeridda Soomaaliya, si loo gaarsiiyo xasilooni iyo horumar ballaaran.
Arrintaan ayaa timid kadib markii uu magaalada Qaahira kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo maalmahaan booqasho ku jooga dalka Masar.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arimaha ugu dambeeyay ee xaaladda Soomaaliya iyo sidii taageera dhameystiran loo siin lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga gudubto caqabadaha horyaala.
Xoghayaha Jaamacadda Carabta ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageeridda Sooomaaliya si looga guuleysto Kooxaha argagixisada ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta sida ay u garab istaagtay DF iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona codsaday in lasii laba jibbaaro dadaalada lagu taageero Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





