Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Dowladaha Jabuuti iyo Sacuudiga oo kawada hadlay xiriirka labada dal

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku qaabilay xafiiskiisa wasiirka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya mudane Feysal bin Farxaan bin Cabdullaahi oo booqasho ku tegay dalka Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo madaxweynaha Jabuuti ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee walaalaha ah.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarka ka socda gobalka iyo arrimaha caalamiga ah ee saameynta ku leh labad dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga.

Waxaa kulankaasi goob joog ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labada dal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...