Tuesday, May 12, 2026
30.9 C
Mogadishu

Magaalo ku taalla South Korea oo lammaanayaasha leh carruurta siineysa lacag!

South Korea (Halqaran.com) – Dhammaan lammaanayaasha ku nool Changwon ee dalka Koonfurta Kuuriya ayaa heli doona 100 milyan oo lacagta dalkaasi ah una dhiganta 92,000 oo doolar. Lacagtaan waxaa heli doona keliya lammaanayaasha leh carruurta.

Warbaahinta South Korean Network oo loo soo gaabiyo KNN ayaa tabisay sheekadaan, waxaa lagu sheegay in lagula dagaalamayo hoos u dhaca bulshada gobolka iyo guud ahaan waddanka.

Haddii lammaanayaashu ay leeyihiin hal cunug deymaha boqolkiiba 30 ayaa laga cafin doonaa, haddii ay u joogto saddex cunug waxaa la sheegay in deymaha oo dhan laga wada cafinayo.

Waaxda qorsheynta ee magaalada Changwon ayaa laga soo xigtay in siyaasaddaan ay tahay curis cusub ayna badin doonto tirada dhalaneysa.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...