Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka madaxda oo ka socota Afisyooni

Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka gaar ahaan Teendhada Afisyooni ayaa waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee uu ku furmayo shirka kaas oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Madaxda ka qeyb galeysa shirka ayaa goor dhow billaabaya in ay sii taggaan howlka shirka ka furmayo, iyadoona kolonyo galbineysa madaxweyne Farmaajo ay gaartay xarunta, sida lagu arkayay muuqaalo la soo duubay.

Sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada ayaa la filayaa in ay taggaan Afisyooni, si ay uga qeyb galaan shirka madaxda ee manta furmaya.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa shaki la gelinayaa ka qeyb galkooda shirka.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qilaafka ka taagan qabsoomidda doorashada Soomaaliya oo aan weli heshiis laga gaarin.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...