Saturday, May 16, 2026
31.9 C
Mogadishu

Dalal Reer Yurub ah oo qaabilaya muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsanaa markab dushiisa, (Ogow Magacyada dalalkaasi)

Rome (Halqaran.com) – Lix dal oo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa oggolaaday in ay qaabilaan 356 muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsanaa markab taagnaa biyaha dalka Talyaaniga muddana laga hortaagnaa in ay Talyaaniga iyo Malta galaan.

Muhaajiriintan oo markabkii siday ay soo badbaaiyeen ciidamada badda Malta ayaa loo diiday in ay halkaasi ku sii sugnaadaan.

Dalalka Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Luxemberg, Portugal iyo Romaaniya ayaa oggolaaday in ay muhaajiriintaasi qaabilaan.

Hay’adda samafalka ee SOS Méditerranée, oo Faransiiska laga leeyahay ayaa ayaa dalalka reer Yurub ugu baaqday in magan gelyo la siiyo muhaajiriintan oo ku sugnaa laba todobaad markab taagnaa biyaha dushooda.

Faransiiska ayaa oggolaaday inuu qaabilo 150 qof, halka Portugal ay qaabileyso 35 qof. Balse waddamada kale tirada dadka ay qaabilayaan ma aysan sheegin.

Madaxa arrimaha dadka muhaajiriinta ee Yurub Dimitris Avramopoulos ayaa sheegay in muddaba uu socday wadaxaajood ku saabsan sidi ay dadkaasi qoxootiga ah u qaabili lahaayeen Malta iyo lix dal oo ka tirsan qaaradda Yurub.

Talaadadi ku dhawaad 100 muhaajiriin ah oo ku sugnaa markaba badda taagnaa 19 cisho ayaa loo diiday inuu ku soo xirto jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga, Waxaana dadkaasi iney qaabilaan oggolaaday shan dal oo midowga Yurub ka tirsan oo keli ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini ayaa markabka muhaajiriinta badda ka soo badbaadiyey ugu baaqay in uu san ku soo xiran Talyaaniga. Iyada oo hadalkiisaasi uu ka dhashay kacdoon siyaasadeed oo ugu dambeynta sababay inuu xisbigiisa uu ku waayo heshiiski xulafanimo uu la galay xisbiga populist Five Star.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay seddex meelood meel ay muhaajiriintaasi ka soo jeedaan Suudaan, halka inta kalana ay ka soo jeedaan Galbeedka Afrika. 100 ka mid ah dadkaasi da’dooda waxay ka hooseysa 18 jir.

Xafiiska Halqaran.com, Rome
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...