Monday, June 22, 2026
27 C
Mogadishu

Wasiirka Xajka & Cumrada ee dalka Sacuudi oo laga eryay shaqada

Riyad (Halqaran.com) – Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan ayaa eryay Maxamed Benten oo ah wasiirka Xajka iyo Cumrada.

Wasiirkan ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu ku fashilmay door hoggaamineed ka abaabulka Xajka sanadlaha ah ee Islaamka.

Xilkaasi ayaa waxaa sii haynaya oo loo magacaabay Wasiiru dowlaha wasaaradaasi, Issam ben Saeed.

Xajka iyo Cumrada oo soo saari jiray balaayiin doolar sanad walba ka hor intaan musiibada cudurka Covid-19 aysan dhicin, ayaa ah isha ugu weyn ee dakhli ka hesho dowladda Sacuudiga.

Boqortooyada oo sumcaddeeda ku leh ilaalinteeda goobaha ugu karaamada badan ee Islaamka ee Maka iyo Madiina iyo abaabulkeeda nabadeed ee xajka ayaa si xoog leh dib ugu soo celisay xajkii sanadkii hore si looga hortago faafitaanka cudurka Ccoronavirus, kadib markii ay Muslimiinta ka hor istaagtay in ay cibaadaysato markii ugu horreysay sababo la xariira Covid 19.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...