Thursday, May 14, 2026
27.5 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee UK (SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Danjire Kate oo Madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...