Garbahaarey (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaarey ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ka jirto xaalad adag oo ka dhalatay xanuunsidaha COVID-19, ee Coronavirus uu keeno.
Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xirsi oo ku sugan Magaalada Garbaaharey ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in lix qof ay xanuunka ugu geeriyootay magaaladaasi, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.
“Garbahaarey oo ah Xarunta Gobolka Gedo waxaa labaatan iyo afartii saac ee la soo dhaafay ku dhimatay lix qof, oo saddex ay waayeel yihiin.” Ayuu yiri Aadan Ibraahim Aw Xirsi.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in xaalad khatar oo baqdin badan leh ay ka taagan tahay Xarunta Gobolka Gedo ee Magaalada Garbahaarey.
“Xaalad khatar ah oo cabsi badan leh ayaa ka jirto Magaalada Garbahaarey, gobolka intiisa kalena waa uun lamid.” Ayuu yiri Aadan Ibraahim.
Wasiirkii hore Qorsheynta ee Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xirsi oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inaanay Garbahaarey lahayn qalab caafimaad oo wanaagsan, isla-markaana aanay oolin dawo in ku filan ah.
Ugu dambeyn, Garbaaharey ayaa noqoneysa magaaladii 3aad ee dalka oo laga soo wariyo xaalado dhimasho ah oo ka dhashay COVID-19, horey waxaa kiisas dhimasho looga xaqiijiyay Magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





